(Sawirro) Toogasho kale oo ka dhacday Mareykanka & Wararkii ugu dambeeyey

Saddex qof ayaa ku dhintay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib toogasho ka dhacday magaalada Philadelphia, sida ay booliisku sheegeen.

Wax yar ka hor saqdii dhexe askartii gaaf wareegaysay goob caan ah oo lagu caweeyo oo ku taal bartamaha magaalada waxay arkeen dhawr nin oo toogasho u geysaynayay dadkii badnaa, sida uu sheegay Isbatoore ka tirsan Waaxda Booliska Philadelphia.

Booliska ayaa sheegay in askari halkaas ku sugnaa uu rasaas ku furay Mid ka mid ah ragii toogashada geystay balse ma cadda iney waxyeelo soo gaartay iyo in kale.

“Laakin sarkaalka waxaa u suurtagashay in qofkaas uu tuuro qorigiisa oo uu baxsado,” ayaa lagu yiri war ay boolisku soo saareen.

14 qof ayey boolisku sheegeen iney haleeshay rasaas, kuwaasoo loo qaaday isbitaalada deegaanka. Saddex ka mid ah dadkaas, laba rag ah iyo Dumar ayaa la sheegay inay dhinteen ka dib markii ay isbitaalka yimaadeen iyagoo ka cabanaya dhaawacyo rasaaseed.

Waxaa soo kordhaya toogahooyinka ka dhacaa Mareynkanka, maalmop ka hor ayey aheyd markii nin hubeysan uu isbitaal ku laayey 5 qof oo uu ku jiro dhaqtarkiisii, waxaana ka sii horeeyey weerar lagu dilay 22 qof oo 19 ka mid ah ay ahaayeen caruur.

 

- Advertisement -