Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo War kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay  wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .

Bayaankaan  ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara ,iyagoo xaqiijiyay   ixtiraam iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/Rashiid Xidig oo 6 Su’aal oo adag hor dhigay Siyaasiyiinta ka qeyb galeysa Caleemo Saarka Axmed Madoobe !!

Cabdi Cade

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ukraine oo shaacisay tirada askarta looga dilay dagaalka ay kula jirto Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---