Itoobiya & TPLF oo isku maandhaafsan fulinta qodob ka mid ah heshiiskii Nabada

Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya Legese Tulu ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ka dagaalamaya gobolka Tigray ee aan ka tirsaneyn ciidamada Federaalka ay isaga bixi doonaan marka ay hub ka dhigis ku sameeyaan fallaagada Tigray.

Ciidamada Axmaarada iyo Canfarta iyo sidoo kale ciidamada Eritreya ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka oo labadii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray jabhada TPLF ee Tigreega.

Xukuumada iyo kooxda TPLF ayaa 2-dii November heshiis nabadeed ku kala saxiixday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, si loo soo afjaro dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi, sidoo kale ciidamada iyo taliyayaasha kacdoonka ayaa 12-kii bishan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis nabadeed. .

Hase ahaatee maamulka TPLF ayaa doonaya in hub ka dhigista ka hor ay gobolkooda ka baxaan Ciidamada Axmaarada iyo Canfarta iyo sidoo kale ciidamada Eritreya ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka.

Dhanka kale xisbi mucaarad ah oo ka dhisan gobolka Tigray ee Baytona Tigray la yiraahdo ayaa diiday heshiiska nabadeed isagoo sheegay in TPLF aysan matalin qoomiyada Tigrayga, waxayna sheegeen in heshiiska lala galay dowlada Itoobiya uu yahay mid aan wax dan ah ugu jirin shacabka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -