Haweeney Afar Cunug oo mataano ah midbo maalin dhashay !!

Haweeneyd 29-sanno jir ah oo u dhalatay dalka Croatia ayaa dhashay afar cunug oo mataano ah, waxaana arrinta layaabka leh oon badanaa la arag noqotay in haweeneydan afarta cunug midbo maalin gooni ah dhashay.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaana ku tilmaamay arrin mucjiso rabaani ah in caruur mataano ah midbo maalin dhasho, waxaana dhacdooyinka nuucan ah 10-kii sannaba la sheegay in hal mar oo dhif iyo naadir ah la arko.

Haweeneyda 29-sanno jir ah oo diiday in warbaahinta kasoo muuqato ayaa dhashay saddex wiil iyo hal gabar, waxaana xaalada caafimaad ee haweeneydaasi iyo caruurteeda lagula tacaalayaa xarun caafimaad.

“Waa uur ka kooban afar ukumood, oo ah qaabka u fiican carruurta mataanaha ah, ugana fiican inay ku jiraan hal meel,” ayuu yiri Marko Drazen Mimica, oo ah agaasimaha xarunta caafimaadka ee ay ku umushay haweeneydan.

Aabaha dhalay haweeneyda mataanayaasha dhashay oo lagu magacaabo Damir Banovac ayaa sheegay in xaalada gabadhiisa iyo caruurta mataanah aay dhashay ay hada tahay mid aad u wanaagsan ayna sugayaan in guriga lagu soo celiyo.

Caruurta mataanaha ayaa inta badan dhaqaatiirtu sheegeen in ay dhalan jireen waqti isku dhaw dhaw balse aysan inta badan dhicin in maalmo kala duwan ay dhashaan caruur mataano ah ayna tahay mid dhif iyo naadir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -