C/raxmaan C/shakuur: “In Xaliimo-yarey Muddo kordhin soo wado waan ogeyn ee ha is casisho”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta golaha shacabka ka horjeedisay khudbad muddo la sugayay oo ku aaddan doorashada lagu wado inay ka dhacdo Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan.

Labada nooc ee la soo jeediyay ayaa sida muuqato waxaa uu xillagooda ka dambeeyaa muddo xileedka Baarlamaanka iyo Xukumadda hadda jirta, waxayna sheegtay in mida hore ay qabsoomi karto bisha July ee sanadka soo socda ee 2021, halka mid kalena laga yaabo iney gaarto illaa bisha Novembar ee isla sanadkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakur, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ugu baaqay guddiga doorashada inay is casilaan.

“In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa Guddiga u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -