Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Madaxda maamulada oo…

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray teendhada afisiyooni uu ka furmayo shir.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa sidoo kale teendhada afisiyooni gaaray qaar kale oo kale oo kamid ah madaxda maamulada ee ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee dhax maraya DF iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali gaarin teendhada Afisiyooni ee shirku ka furmayo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in la filayo in goordhaw gaaraan teendhada kuna biiraan shirka.

Beesha Caalamka ayaana cadaadis ay saartay madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ka shaqeesay in maanta madaxda isugu yimaadaan shir horu dhac ah si ay uga wada hadlana khilaafka doorashada ka taagan.

Shirka maanta ka furmayo teendhada afisiyooni ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin oon warbaahinta loo ogoleyn, waxaana shirkan la filayaa in uu furmo marka madaxda ay goobta wada gaaraan.

Khilaafka ka taagnaa xalay qaabka amaanka loo sugayo iyo tirada ciidamada ilaalada gaarka ah ee goobta la tagayaan madaxda ayaa markii dambe heshiis laga gaaray markii dhincyada isku hayay is afgarad gaareen.

Waxii warar ah ee kusoo kordha shirkan kala soco wararkayaga dambe insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -