Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: In ka badan 120 qof oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Fagaare Olole Doorasho ay ka socotay

Weerar xoogan oo ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday fagaare kuyaala gobolka Balochistan ee kuyaala Koonfur Galbeed ee dalka Pakistan , waxaana weerarkan lagu laayay dad aad u badan.

Fagaaraha weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in uu ka socday olole doorasho uu waday Siyaasi gobolkaasi kasoo jeeda, waxaana mar qura goobta ololaha ka socday ka dhacay qaraxyo aad u xoogan.

In ka badan 120-qof qof ayaa ku dhintay weerarkan ka dhacay fagaaraha ololaha ka socday, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay dad intaas ka badan, dadka dhintay waxaa ku jira siyaasigii ololaha waday.

Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan dadka badan lagu laayay, waxa ayna kooxda sheegtay in dad badan oo wax gal ahaa halkaasi ku dishay.

Dhinaca kale qarax kale ayaa lagu weeraray goob kale ay ka socotay olole doorasho magaalada Bannu ee dalka Pakistan, waxaana weerarkaasi ku dhintay afar qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Dalka Pakistan oo maalmo kadib ay ka dhacayaan doorashooyin ayaa waxaa hareeray qaraxyo xoogan oo lagu weerarayo goobaha ay ka socdaan ololaha doorashada, waxaana inta badan weeraradaasi fulinaya Kooxaha Daacish iyo Daalibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War cad kasoo saartay go’aankii dalka looga eryay Danjire Francisco Madeira

Cabdi Cade

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dagaalka Ukraine u adeegsaday hub kiimiko ah

Caydiid Ali

Dil Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---