Allbanaadir.com
NEWS

Taajir lacag badan ku iibsaday qalab sanado badan kahor dadka lagu dili jiray (Daawo Sawirro)

Nin taajir ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa lacag gaareysa £7080)  ku iibsaday qalab  qadiimi ah loo adeegsan jiray qoorgoyn ama in dadka lagu dilo marka xukunka dilka ah lagu rido gudaha Faransiiska.

Christophe Février oo ah nin taajir ah caana ka ah gudaha Faransiiska ayaa iibsaday qalabkan dadka dilkooda loo adeegsan jiray, kadib markii shirkad kuwa xaraashka ah ay Suuqa soo dhigay qalabkan  .

Qalabkan uu iibsaday ninkan taajirka ah ayaa qofkii ugu dambeeyay lagu dilay sanadkii 1977-dii, waxaana xiigaasi waxii ka dambeeyay dalka Faransiiska laga mamnuucay in dadka lagu fuliyo xukun dil ah.

Ninkan Taajirka ah ee iibsaday qalabkan jira 150-ka sano ayaa horey caan ugu ahaa iibasashada waxyaabo kale oo layaab leh, waxaana dadku isweediinayaan waxa uu ka faa’iidayo  qalabkan iyo waxyaabaha kale uu iibsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Godkii ugu dheeraa oo dhulka hoostiisa ay ka qodeen Ururka Xamaas oo la bur buriyay

Cabdi Cade

Kulan Labaad ee ay isugu yimaadeen Gudiga Farsamada Arimaha Bulshada

admin

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---