Taliyihii maanta loo diiday in Kismaayo tago oo magaalo kale ka degay

Maamulka Jubbaland ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo celiyay una diiday in magaalada galo Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow.

Taliyaha ayaa markii laga soo celiyay magaalada Kismaayo safarkiisa u weeciyay dhinaca gobolka Gedo, waxaana taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Garbahaarey iyo saraakiil ciidan ayaa taliye Bogmadow iyo saraakiisha la socota kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey.

Jen. Cali Bogmadow ayaa sheegay in gobolka Gedo u yimid sidii uu ula socon lahaa una kormeeri lahaa xaalada ciidanka Milatariga, waxa uuna cadeeyay in si toos ah shaqadiisa uga bilaabi doono deegaanada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa saakay Kismaayo kasoo celiyay diyaaradii uu la socda Jen, Bogmadow iyo Saraakiil kale, waxa ayna Jubbaland sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Taliyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -