Weerar toorey loo adeegsaday oo lagu dilay dad badan oo ka dhacay dalka Mareykanka

Magaallo katirsan gobolka Illinois ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday toorey, kaa oo sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida booliiska sheegeen.

Nin dhallinyaro ah oo toorey ku hubeesnaa ayaa weerar ku qaaday dad meel ku sugnaa, waxa uuna ninkaasi dilay afar qof , halka dhaawacyo qaarkood halis yihiina uu u geestay shan qof oo kale.

Taliyaha booliska magaalada Rockford Carla Redd ayaa sheegtay in weerarka loo adeegsaday tooreyda lagu dilay afar qof , sidoo kale jiraan dad kale oo lagu dhaawacay oo hadda xaaladooda lala tacaalayo.

Waxa ay sheegtay taliyaha in weerarkan booliiska u xireen nin 22-sanno jir ah ayna weydiinayaan su’aallo,waxa ayna xustay in ilaa hadda aysan kala caddeyn sababta weerarkaan uu u geestay ninkaasi dhallinyarada ah.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku badnaa inta badan weerarada ay geestaan dadka hubeysan, waxaana inta badan ku yaraa weerarada tooreyda loo adeegsado, mana kala cada weerarkan in uu yahay mid naceyb ku saleysan  iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -