Maxaa ka jira in La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha uu la kulmay Saraakiil TPLF katirsan ?

Saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warar sheegayay in la-taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud dalka Jabuuti kula kulmay saraakiil katirsan kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta DF ee Itoobiya.

Qoraal uu soo saaray Xuseen Macalin ayuu ku beeniyay warkan lagu faafiyay baraha bulshada ee ku aadan in uu la kulmay saraakiil katirsan TPLF , waxa uuna cadeeyay tan iyo markii xilka la-taliyaha loo magacaabay uusanba ka bixin magaalada Muqdisho.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Warkan ayaa la tuhmayaa in ay faafiyeen xubno aad ugu dhaw madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaxiib dhaw la ahaa dowladda Itoobiya gaar ahaan Ra’isul Wasaare Abiy.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -