Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa dil iyo dhaawac loogu geestay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in caawa kooxo burcad hubeesan muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac ugu geesteen deegaan lagu magacaabo Strand oo katirsan magaalada Cape Town.

Burcada hubeesan oon heebtooda la garan ayaa labo dukaan oo iska soo horjeeda ugu galay ganacsatada Soomaaliyeed xilli ay shaqo ku jireen, waxa ayna burcada rasaas huwiyeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku sugnaa dukaanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay labo wiil Soomaaliyeed oo magacooda lagu sheegay C/rashiid Axmed Sheekh iyo Mowliid Axmed Cadde halka saddex nin oo kalana weerarkaasi uu kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Ciidamada booliiska magaalada Cape Town iyo Soomaali gurmad ah ayaa tagay dukaanka marka weerarku dhacay kadib, mana jiraan ilaa hada cid ciidamada ammaanka usoo qabteen weerarkaasi.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu weeraraa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi nolol maalmeedka u raadsatay, waxaana sannadihii ugu dambeeyay dalkaasi lagu dilay boqolaal Soomaali ah oo u badan dhallinyaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -