Zelensky oo qiray in ciidankiisa looga gacan sareeyo dagaalka Ruushka

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen qiyaastii 20% dhulka Ukraine iyada oo maanta oo Jimcaha ah ay u buuxsamayso maalintii 100aad ee ay ciidamada Ruushku wadaan duullaanka ay ku soo qaadeen dalka Ukraine.

Zelensky oo Khadka isgaadhsiinta ee la iska arko khudbad ugu jeediyey baarlamaanka Luxembourg ayaa sheegay in Ruushku uu dagaal joogto ah ka wado bariga dalka Ukraine, gaar ahaan dhul cabbirkiisu le’egyahay illaa kun kiiloomitir. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka haatan gacanta ugu jira ciidamada Ruushku inuu le’eg yahay dhul baaxad ahaan u dhigma bedka dalka Holland.

Ma sheegin inta uu le’eg yahay dhulka uu Ruushku qabsaday, tan iyo markii uu billowday duullaankiisu bishii February 24-keedii.

Moscow waxay qabsatay Jasiiradda Crimean ee Ukraine sannadkii 2014-kii, sidoo kale jabhado goonni u goosad ah oo Ruushku uu taageero ayaa qabsaday qaybo ka mid ah gobolka Donbas ee ku yaalla dhinaca bari ee dalka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen 20 magaalo iyo tuulooyin yar yar oo ka tirsan gobolka Kherson oo ku yaalla qaybta koonfureed ee dalkaas. Dhanka kalena, ciidamada Ruushka ayaa sii waday weerarka ay ku hayaan Sievierodonetsk, oo ah magaaladii ugu dambeysay uguna weyneyd gobolka Luhansk ee ku jirtay gacanta Ukraine ay Ukraine.

Barasaabka gobolka Luhansk Serhiy Haidai ayaa sheegay in Ruushku uu gacanta ku hayo 70% magaalada, iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen waddooyinka.

- Advertisement -