Allbanaadir.com
NEWS

Deerow Dhaqane Maxamed oo Muqdisho lagu dilay & Al-Shabaab oo sheegatay

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dilay oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed, waxaana la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dilka Nabadoonka, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay dilka kadib  gaareen goobta falku ka dhacay, halkaasoo ay ka sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay dilkaas.

Nabadoon Deerow Dhaqane Maxamed ayaa ka mid ahaa waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ee caanka ah, dilkiisana kama hadlin laamaha amaanka dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo la kulmay guddigii maamulay doorashadii looga adkaaday

Cabdi Cade

Itoobiya oo duqeyn cirka ah ka fulisay Shabeellaha dhexe

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga digay in Maxaas u raaco Wasiirka Gaashaandhigga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---