Jabhada TPLF oo shaacisay in ay laayeen Ciidamo badan oo u dhashay Eritrea

Jabhada TPLF ee ka dagaalanta Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay laayeen askar badan oo u dhalatay dalka Eritrea , kadib dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray.

Afhayeenka TPLG Getachew Reda ayaa sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidankooda iyo kuwa Eretria uu ka socday jiidda hore ee Shiraaro oo labada ciidan isku hor fadhiyeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dagaalka soo qaadeen dhinaca ciidamada Eritrea , waxa uu xusay afhayeenka in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Eritrea ayna jab xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada Eritrea.

Afhayeenka Dowladda Itoobiya Leggese Tulu ayaa sheegay in uusan ka warqabin dagaal dhax maray TPLF iyo Eritrea, waxa uuna tilmaamay in aysan jirin sabab ciidamada Eritrea weerar ugu soo qaadaan dhinaca TPLF.

Ciidamada Eritrea oo horey uga soo gudbay xadka dalkaasi la wadaago Itoobiya ayaa gacan kaga siinayay ciidamada federaalka ee Itoobiya dagaalka ay kula jireen jabhada TPLF ee ku xooggan Waqooyiga dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -