Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka la wareegay

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala  wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee Waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Related posts

Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay rag Shacabka dhibaato ku hayay oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo qaabilay Guddoomiyaha midowga Culimada Islaamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---