Mahad Salaad oo Magacaabay Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir

Agaasimaha guud ee Hay’adda nabad suggidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magacaabay Taliyaha Hay’adda ee Gobalka Banaadir.

Muxyadiin Warbac Shadoor oo ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda lehna Khibrad dheer oo dhinaca amniga ah ayaa loo Magacaabay Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta DF.

Wararka ayaa sheegaya in Muxyadiin Warbac Shadoor uu markiisii hore ahaa qurbajoog ka yimid dalka Ingiriiska.

Waxaa xilkan uu kala wareegayaa Yaasiin Farey oo ahaa taliyihii hore ee Nabad sugida gobolka Banaadir ka hor inta aan xilka laga qaadin taliyihii guud ee NISA Fahad Yaasiin.

Mahad Salaad ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu isbedel weyn ku sameeyo habka ay u shaqeyso heyaddaas.

- Advertisement -