Haweeney eersatay Buug ay qortay oo Xukun adag lagu riday (Sawirro)

Haweeney 71 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’im kaddib marki lagu helay iney seygeeda dishay sanadkii 2018.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Nancy Crampton Brophy ayaa qortay buug ay ugu magac dartay’ Sidee ayaad seygaada u dili kartaa.’

Arrintaa oo dhalisay guux badan ayaa waxay keentay in haweeneydii buugga qortay lafteeda ay booliska baaritaan ku sameeyaan.

Ugu dambeyntina maxkamad ku taalla gobolka Oregon ee dalka Mareykanka oo kiiska haweeneydaasi dhageysaneysay ayaa ku xukuntay xabsi daa’im.

Nacy dhankeeda waxay ku doodday: ‘Ninkeeda ineysan dilin balse buugga ay u qortay dadka iney ku dhiirrageliso oo keli ah.’, waxaana kiiska haweeneydan uu la yaab ku noqday dad badan

- Advertisement -