Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Afgooye

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halkan afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxan oo ahaa miino wadada la dhigay ayaa lala eegtay gaari uu saarna guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye Xuseen Jibriil.

Miinadan ayaa la geliyey guriga Xuseen Jibriil hortiisa. Waxaana uu sheegay in ciidamada amniga ay baaritaano ka sameeyeen goobta uu qaraxu ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ee maamulka degmada Afgooye Xuseen Jibril ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxan. Mana jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Cabdi Cade

Shir u furmi lahaa DF & Midowga Afrika oo baaqday ka dib khilaaf soo shaac baxay

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xafiiska waaxda Dad-dhigista ee degmooyinka qeybta Galbeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---