Shir u furmi lahaa DF & Midowga Afrika oo baaqday ka dib khilaaf soo shaac baxay

Kulankii heerka farsamo ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo la filayey inuu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf labada dhinac u dhexeeya kaddib markii la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulanka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Fiona Lortan, Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u soo saartay baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka Midowga Afrika.

Dhanka kale, xubnaha ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa iyana dhankooda ku adkaystay qodobbada Baaqa  ay soo saareen dhowaan ee ku saabsanaa in ciidamo ka socda QM ay la howlgalaan kuwa AMISOM ee hadda jooga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -