Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War Cusub: Israel oo duqeysay fariisimo ciidamada Masar ah ku leeyihiin xadka Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay si khalad ah u duqeeyeen fariisimaha Masar ee u dhow xadka Gaza

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah taangiyadooda uu si lama filaan ah ugu garaacay fariisimo ay Masar ku leeyihiin meel u dhow xadka marinka Qaza.

Afhayeen u hadlay ciidamada Masar ayaa sheegay in dhawr ka mid ah ilaalada xudduudaha Masar ay soo gaareen dhaawacyo fudud madfac uu soo riday taangiga Israel, .

Ciidanka difaaca Israa’iil “waxay muujinayaan sida ay uga xun yihiin dhacdadaas,” oo la baarayo,” ayaa lagu yiri bayaan, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Dhinaca kale, Garabka Militariga Xamaas ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar dhulka ah oo Israel ay ku soo qaaday meel u dhow degaanka Khan Younis ee marinka Gaza

Guutada Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar dhulka ah oo ay Israel ku soo qaaday meel u dhow Khan Younis ee marinka Qaza, iyagoo burburiyay taangi Israel iyo laba cagaf-cagaf ah.

War qoraal ah oo lagu soo qoray app-ka fariimaha Telegram-ka, guutada Qassam waxay ku sheegtay ciidankeeda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidan ka tirsan milateriga Israel oo si wanaagsan loogu diyaariyey bariga Khan Yunis, wax yar ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka dhawr mitir”

“Dagaalyahanadu waxay si geesinimo leh ula dagaallameen cadowga soo galay waxayna si nabad ah ugu laabteen saldhigyadoodii,” ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa mar kale ku celiyay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo balse waxa uu ugu baaqay inay ku shaqeeyaan shuruucda dagaalka.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore u ahaan jiray Twitter, Biden wuxuu yidhi: “Ma iska indho tiri karno bini’aadan tinimada Falastiiniyiinta aan waxba galabsan ee doonaya inay nabad ku noolaadaan.”

Biden ma uusan ku baaqin xabbad-joojin bini’aadantinimo oo ka dhacda marinka Gaza ee go’doonsan.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray Waddooyin Laami ah oo laga dhisay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxey kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Danjiraha Sacuudiga u jooga Kenya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamsa oo Khudbad uu arrimo Xasaasi ah uga hadlay ka jeediyay madasha Tana Forum (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---