Imaaraadka Carabta oo ballanqaad u sameeyay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ballanqaaday ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo safiirada waddamada Carabta u jooga Soomaaliya iyo wakiillo kale oo ka socda beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -