Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wefdi horu dhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa gaaray wefdi horu dhac u ah safar lagu wado in beri oo talaado ah magaalada Baydhabo ku gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya, xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale oo hor dhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay 15-kii bishan ku tagaya magaalada Baydhabo halkaas oo la filayo in uu kula kulmo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka socdeen shirar looga soo horjeedo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagreen oo mucaaradad xoogan wajahaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

La taliye ka tirsan xafiiska Xamse oo xilka iska casishay (Sababta)

Caydiid Ali

Xog ku aadan Qodobo Xasaasi ah oo qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Faahfaahin: Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu dilay Dhuusamnareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---