Madaxda Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baaq xasaasi ah u diray Madaxweyne Putin

Madaxda waddamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa telfoon kula xariiray Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin, waxa ayna kala hadleen dagaalka ka socda Ukraine iyo sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa colaada.

Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Jarmalka Emmanuel Macron iyo Olaf Scholz oo muddo sideed daqiiqo ah telfoon kula hadlayay hoggaamiyaha Ruushka ayey kaga codsadeen in uu raadiyo xal aan dagaal aheyn oo lagu soo afjari karo duullaanka uu Ukraine ku qaaday.

Waxa ay sidoo kale madaxda Faransiiska iyo Jarmalka ka codsadeen Puntin in uu xabsiyada kasii daayo dibna xuriyadooda u siiyaan 2,500 dagaallamayaal reer Ukraine oo ciidamada Ruushka ku qabteen warshadda birta Azovstal.

Dhinaca kale Madaxweyne Putin ayaa kala hadlay Madaxda Jarmalka iyo Faraniiska hubka ay siinayaan Ukraine inay tahay arrin halis ah, waxa uuna ka digay in xaaladda amniga ah iyo tan banii’aadanimo ay faraha kasii bixi karto haddii tallaabadaas ay sii wadaan.

Madaxda Waddamada Jaramlka iyo Faransiiska ayaa wali xiriir la sameeya hoggaamiyaha Ruushka, waxa ay sidoo kale labadan dal hub iyo agabyo kale ugu deeqeen dowladda Ukraine ee dagaalka kula jirta Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -