Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Difaaca oo la dardaarmay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaal (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka oo uu Wehliyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saraakiisha Faray in sida ugu dhow u bilaabaan Howlgallada Dalka lagaga Saarayo al-shabaab

Wasiirka kula dardaarmay ciidanka Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iney ka dhabeeyaan hadafkooda la xiriira sidii Al-shabaab looga ciribtiri lahaa degaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Saraakiisha qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulankaas ka balan-qaaday iney bilaabi doonaan howlgalka ayna naftooda u huri doonaan sidii Al-shabaab loo ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab.

Related posts

Ra’isul Wasaare iyada oo aflagaado geesaneysa la maqlay oo Raaligelin bixisay

Cabdi Cade

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay magaalada …

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Halgamayaashii SYL (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade