Dacwad laga gudbinayo ciidamada Turkigu u tababaro dowlada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Ciidamada GORGOR iyo Haramcad ee  dowladda Soomaaliya ay geysay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa dhaliyey hadal heyn badan iyo shaki la xiriira sababta halkaas loo geeyey, inkastoo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage uu sheegay in ujeedkoodu yahay la dagaalanka Al-shabaab.

Waare ayaa sheegay in Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhowr jeer ka qeyb galeen dagaalo uu dano gaar ah ku wato Farmaajo  isla markaana haddii Beledweyne ay tacadi ka geystaan uga dacwoon doonaan dowladda Turkiga.

“Dowladda Turkiga waxaa looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameyso Ciidamada ka leexday ujeedkii loo tababaray ee ahaa la dagaalanka Al-Shabaab iyo suguda amaanka, waana iney kala xisaabtantaa dowlada dhexe in ciidankaas aan loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah” ayuu yiri Waare

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay dalbaday in si deg deg ah Ciidamada la geeyay looga soo celiyo Magaalada Beledweyne, iyadoo Wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Hiiraan ay horey uga soo horjeesteen talaabada ciidankaas lagu geeyey Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -