Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe oo gudoomay dhambaal ka yimid Hassan bin Abdulla (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya dalkeenna Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Danjiraha ayaa marka hore u yimid dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar mudane  Hassan bin Abdulla  Al-Ghanim.

Dhambaalkan ayaa ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii wanagsaneyd uu ku soo geba gabeeyay doorashadii lagu doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaabkii ay u shiri jireen Wasiirada Somaliland oo wax laga bedelay iyo Go’aano kasoo baxay

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku faanay in ay bur buriyeen Awoodii Iran ee Wadamada Afrika

Cabdi Cade

Yaa ka masuul ah kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee ka taagan Baladweyne?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---