Qaabkii ay u shiri jireen Wasiirada Somaliland oo wax laga bedelay iyo Go’aano kasoo baxay

Golaha Wasiirada maamulka Somaliland ayaa wax ka bedelay goobtii iyo qaabkii ay u shiri jireen maalin walbo oo khamiis ah, si ay uga hortagaan in ay isku gudbiyaan caabuqa faafa ee Caronavirus.

Wasiirada ayaa markii hore ku shiri jiray Hool ay yaalaan yaalaan miis iyo kuraas iska soo horjeeda, hasa ahaatee waxaa hada loo bedelay in Wasiir walbo uu meel gaar ah kaligiis kursi iyo miis ku fadhiisto halka Madaxweynaha isna kaligiis meel gaar ah fadhiistay.

Shirkii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulka Somaliland ayaa laga soo saaray go’aano looga hortagayo caabuqa Caronavirus sidoo kale lagu xoojinayo guddigii kahor taga Caronavirus uu horey maamulka u magacaabay.

Halkan ka Akhriso Go’aanada kasoo baxay Shirka 

Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

Waxaana falanqayn iyo dood dheer oo goluhu yeeshay ka dib ay soo saareen qodobadan:-

1. In guddidii heer qaran ee ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka.

2. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.

3. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay.

4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020.

5. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.

6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus.

7. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus.

8. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -