Sacuudiga oo ku faanay in ay bur buriyeen Awoodii Iran ee Wadamada Afrika

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in ay ka adkaadeen awoodii siyaasadeed ee Iran ku laheyd wadamada Africa iyo dalalka deriska la ah.

Wareysi uu siiyay Wargeyska US Times ee Mareykanka laga leeyahay, Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay hoos dhigeen saameyntii Iran ay ku laheyd dalalka Qaaradda Africa , iyadoo awood ahaan loo wiiqay dowladda Iran waxaana uu xusay in 95% in ay hoos u dhigantay.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Sacuudiga uu ka dambeeyay mamnuucisata Ururka Shiicada dalka Nageira oo uu hogaaminayay Sheekh Ibrahim Zakzaky oo markii dambe xasbiga la dhigay.

Dr Zayid Al-Amri oo kamid ah xubnaha Sacuudiga u qaabilsan Qorshaha Istaraatiijiyada Qaranka iyo Hay’adda Horumarinta ayaa si kooban u sheegay in dhaxal sugaha uu hadlkaasi ula jeedo in Iran looga guuleystay Siyaasadaha Soomaaliya, Yeman, Djibouti iyo dalka Sudan waxaana uu sacuudiga burburiyay unug kamid ah Xisbullah oo laga aas aasi rabay dalka Nageria waxaana hogaaminayay wadaadka Ibrahim Zakzaky.

Dr. Amani al-Taweel oo katirsan xarunta Daraasadaha Al-Ahram ee dalka Masar ayaa walaac ka muujiyay saameynta khilaafka labada dal iyo rabshado ka amuurma dalalka Qaaradda Africa oo saameyn ay ku leeyihiin Iran Iyo Sacuudiga “ dhab ahaantii Sacuudiga saameyn weyn kuma laha Africa marka laga reebo xeriirka dibloomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka Afira” sidaasi waxaa yiri Dr Zayid Al-Amri,

Waxaa muhiim ah in la ogaado wadamada africa ma wadaagaan diimo, siyaasad iyo xeriir caalami ah marka loo eego wadamada Sacuudiga iyo Iran, waxaa shaki uusan ku jirin in dalalka  Iran Iyo Sacuudiga ay u horseedayaan dalalka Africa dagaallo diimeed iyo kuwa dhaqameed waxaana ay sababi karaan burbur, faqri iyo cudurro, sida uu sheegay Dr.Amani Al-Taweel.

Sacuudiga oo dal Sunni Muslim ah iyo Iran oo Shiica ah waxay yihiin labada quwadood ee isku haya siyaasadda bariga dhexe oo hadda u soo tafaxeetay dalalka Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay iyaga oo la kala safan khilaafka ka jira dalalka Suuriya iyo Yemen.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -