Gabar Soomaali ah oo dishay Nin doonayay in uu kufsado iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Gabar Soomaaliyeed oo da’deeda lagu sheegay 15-sano jir ayaa toorey ku dishay nin taksiile ah oo damcay in uu kufsado, waxaana dhacdadan si weyn u hadal haya warbaahinta dalka Masar iyo kuwa Carbeed.

Booliiska dalka Masar ayaa xiray gabadhan Soomaaliyeed oo isku dhiibtay markii ay dilka geesatay kadib, waxa ayna gabadha sheegtay in ninka ay dishay oo ahaa taksiile uu damcay in uu kufsado balse iyada oo is badbaadineysa dishay ninkaasi.

Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabadhan Soomaaliyeed kadib markii baaritaano hordhac ah ay booliiska sameeyeen lagu ogaaday in gabadha ninka dishay si ay nafteeda u badbaadiso.

Warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado, waxa uuna darawalka gabadha ku cabsiinayay toorey uu watay taa oo keentay in gabadha inta ka dafto tooreyda xabadka ka galiso.

Gabadha Soomaaliyeed ayaana qiratay in iyadu dilka ka dambeesay, waxaana booliiska baaritaanka ku ogaadeen in sax yahay sida gabadha sheegtay uuna damacsanaa ninka ay dishay in uu kufsado.

Booliiska dalka Masar ayaana wali shaacin magaca gabadha Soomaaliyeed ee dilka geesatay, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Masar ayna dadku siyaabo kala duwan uga hadleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -