Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo Daahfuray Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaarka shaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayay shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo gudashada, caddaaladda iyo kor u qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu adeegaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasadanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul wanaagga iyo cadaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.

Siyaasadan cusub waxa ay ku saleysan tahay qiimeyn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir) iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G).

Nidaamkan waxa uu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.

Related posts

Dayuurad rakaab ah oo ku burburtay Magaalada Goma & dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Madaxweynaha oo xilka ka qaaday Taabit iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Qarax xooggan oo Is-miidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---