Ciidamada Iran oo qaaday tallaabo aargoosi ah gacantana ku dhigay Labo Markab

Ciidamada ilaalada Kacaanka dalka Iran oo adeegsanaya diyaarado nuuca qumaatiga u kaca iyo maraakiib dagaal ayaa gacanta ku dhigay labo Markab oo siday shidaal oo laga leeyahay dalka Gariiga.

War kasoo baxay dowladda Iran ayaa lagu sheegay  in hawlgalkan markabka lagu qabtay ka fuliyeen gacanka istaraatiijiga ah ee Faaris, waxa ayna Iran ku eedeesay Maraakiibtan in ay xadgudub sameeyeen.

Iran ayaa tallaabada ay ku qabsatay Maraakiibta Gariiga laga leeyahay lagu sheegay mid aargoosi ah,kadib markii Gariiga ku taageeray Maraykanka sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran.

Markabkan Iran calankiisa ku safrayay ayaa ciidamada Mareykanka maalmo kahor ku qabteen biyaha badda Mediterranean-ka, waxaana Markabkan Mareykanka ku eedeeyeen  inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

Dowladda Iran ayaa horey ugu hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ay uga aargudaneyso Gariiga, waxaana sii xoogeesanaya khilaafka u dhaxzeeya dowladda Iran iyo dowladaha klae ee Reer Galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -