Masuul katirsan Dowladda oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada .

Kulankan uu Madaxweynaha la qaatay qaar kamid ah dhallinayarada kunool Muqdisho waxaa si kulul u dhaliilay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo dhallinyaradaasi ku tilmaamay hal qabiil.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga G/Banaadir ayaa sheegay in Madaxweynaha lagu qanciyay in la qoro Dhallinyaro Hab qabiil loo qeybsaday oo baraha bulshada ka difaacda, kuwaas uu xusay in ay kooban yihiin hal xaafad hoose oo xaafadaha Soomaalidu ka mid ah .

”Waxaan maqlayaa in Madaxweynaha lagu qanciyay in la qoro Dhallinyaro Hab qabiil loo qeybsaday oo Baraha Bulshada ka difaacda kuwaas oo ka kooban hal xaafad hoose oo xaafadaha Soomaalidu ka mid ah – ma rabo inaan gudaha u sii galo inta aan kala socdo ceebtaas waxaanse is waydiiyay waxa sababay in ugu yaraan loo waayo Madaxweynaha Dhallinyaro Soomaali oo dhan ku idishahay oo Madaxweynaha lagu dhex sawiro maadaama Madaxweynuhu yahay astaan Qaran ee aanu aheyn mid astaan jufo gaar ah.” ayuu yiri Cali Yare.

Cali Yare ayaa inta badan shaqadiisa aheyd in uu taageero dowladdii Farmaajo sidoo kale dhaleeceeyo mucaaradka, waxa uuna wali Cali Yare dhaliil kala duwan usoo jeedinayaa dowladda maalmaha yar jirta uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -