Kumaandooska Soomaaliya oo burburiyay doon ay adeegsan jireen Al Shabaab

Ciidamada kumanaadooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa howlgal qorsheesan oo ka dhan ah Al Shabaab waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalka si gaar ah uga sameeyay tuulooyinka lagu magacaabo Tawakal iyo Balow, halkaas oo la sheegay in ay ku dhuumaaleestaan dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Ciidanka Gorgor  ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay ku guuleysteen inay tuulada Tawakal ku gubaan Doon ay Al Shabaab isaga kala gudbi jirtay tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen xoolaha ay Zako ahaanta u qaataan iyo agabyo kale.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada Gorgor lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay, waxa ayna saraakiisha ciidanka hoggaamineysay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku baacsanayaan Al Shabaab .

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo ka fuliya tuulooyin iyo deegaano ay Al Shabaab ka joogaan gobolka Shabeelaha Hoose, ciidamada ayaana dib uga laabta goobaha ay howlgalada ka fuliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -