Madaxweynaha Ruushka oo soo saaray amar la xiriira dadka kunool Koonfurta Ukraine

Ciidamada dowladda Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa qabsaday magaalooyin iyo deegaano katirsan dalkaasi, kaddib dagaalo qaraar oo dhiig badan ku daatay oo ay la galeen ciidamada Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaana bilowday in goobaha ay ciidankooda la wareegeen in laga hirgaliyo isticmaalka lacagaha Ruushka sidoo kale dadka kunool goobhaaasi ay ciidamada ku qalqaaliyaan in Ruushka taageeraan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa soo saaray amar cusub oo lagu fududaynayo habka ay dhalashada Ruushka ku heli karaan dadka deggan gobollada Zaporizhzhia iyo Kherson ee dhaca koonfurta dalka Ukraine.

Waxa uu amray Madaxweyne Putin in dadkaasi loo sahlo in ay qaataan dhalashada dalka Ruushka, mana shaacin Madaxweynaha ujeedka ay xilligan dhalashada u siinayaan dadka u dhashay Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay magaalada Kherson oo ah magaalada ugu weyn ee Ukraine kutaalla ee Ruushka heestaan, waxa ay sidoo kale ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay lawada wareegaan magaalada Zaporizhzhia ay hada qeybo ka joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -