Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka biyo diiday tirada xujeyda ee Sannadkan la siiyay cabashana gudbisay

Maamulka Somaliland ayaa ka biyo diiday tirada xujeyda sannadkan laga siiyay in ay soo gutaan waajibaadka xajka, waxaana cabasho arrintaasi la xariira Somaliland u gudbisay Boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sannadkan u oggolaatay Soomaaliya in ay kasoo xajiyaan dad gaaraya  5,206 (shan kun laba boqol iyo lix Xaaji), waxaana dowladda Soomaaliya tiradaasi u kala qeybisay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dowladda Soomaaliya ayaana ka siisay maamulka Somaliland 350 xujey in sannadkan deegaanadooda xajka ka aadaan, hasa ahaatee Soomaaliland ayaa tiradaasi diiday cadaalad darana ku tilmaantay sida dowladda federaalka u qeybisay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya in aanay si caddaalad ah u qaybin tirada la siiyay Soomaaliya, waxa ayna maamulka Hargeysa ku doodeen in xaq u lahaayeen in tirada xujeyda laga siiyo 40% .

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in sanandkan siyaasadeesay arrimaha xajka ayna cabasho arrintaasi ku aadan u gudbiyeen Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Milatariga Itoobiya iyo saraakiil kale oo la dilay iyo Abiy oo ka hadlay 

Cabdi Cade

Puntland iyo Jubbaland oo ogolaaday ka qeyb galka Shirka Dhuusomareeb kadib Cadaadis la saaray

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay sida Fahad Yaasiin uga taqalusay damacii Bashiir Goobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---