Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta Siyaasadda oo Muuse Biixi lagu hor dhaariyey (Sawirro)

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.

Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha guddida mid mid gacanta ugu saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu sida sharcigu qorayo qof qof ku dhaariyey inay ururrada, Axsaabta siyaasadda iyo bulshadaba ugu adeegi doonaan dhexdhexaadnimo iyo caddaalad inta ay xilka loo igmaday hayaan.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo gebogebadii dhaarta hadal u jeediyey xubnaha la dhaariyey, ayaa kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh,

waxana uu yidhi, “Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka, Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana na saaran oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -