Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre oo la diyaarinayo

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa bilaabay diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed .

Xildhibaanada Mooshinka wada oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre xil gudasho la’aan iyo ku takrifal awoodeed iyo inay jebiyeen qodobo dastuuri ah.

Mooshinkan ayaa ah mid la doonayo in lagula xisaabtamo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, waxa ayna Xildhibaanada wada mooshinka kulamo xasaasi ah ka wadaan magaalada Jowhar.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa hada labaduba kuwada sugan magaalada Baladweyne ay u tageen xalinta xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiye Yuusuf Dabageed.

- Advertisement -