Madaxda labo maamul Goboleed oo xaalku ku xun yahay iyo Xasan Sheekh oo Wadatashiyo wada

Madaxda maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa xilligan wajahaya xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, kaddib markii ay ku guul dareesteen qamaar siyaasadeed ay galeen labada Madaxweyne.

Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoor Qoor ayaa si weyn u taageeray uguna ololeeyay madaxweynaha guul dareestay ee Farmaajo, waxa ayna labadan Madaxweyne dagaal toos ah la galeen musharaxiinta mucaaradka ee Farmaajo kasoo horjeeday.

Sida aan xogaha ku heleyno Villa Soomaaliya ayaa la filayaa in isbadal ama culeesyo siyaasadeed saarto labadan Madaxweyne oon wax waji ah ka sameesan Madaxweynaha talada dalka la wareegay iyo sidoo kale dadka ay matalaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana hada lasoo tabinayaa in uu wado abaabulka shirar siyaasadeed uu badbaado ka dhiganayo iyo codsiyo uu u dirayo xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doortay iyo shacabka oo ku aadan in maamulka difaacdaan.

Axmed Qoor Qoor oo isna ku laabtay magaalada Dhuusomareeb ayaa aaminsan in aan marnaba la dhaafeyn, waxa uuna marka hore tijaabo ka dhiganayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu aaminsan yahay in uu ka horeyn doono.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ah maamulo aan isku filneen oo si toos ah dowladda federaalka u biisho, waxaana madaxda labada maamul culees ugu filan in dhaqaalaha miisaaniyada ee lagu kabo oo laga jaro.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya labo maalin kaliya jooga ayaa wada wadatashiyo kala duwan oo ku aadan sida laga yeelayo marka xukuumadda la dhiso kadib madaxda maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Khuburada siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Villa Soomaaliya aysan ku degdegi doonin isnadal ka dhaca maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug balse marka hore xanibaadyo saari doonto madaxda maamuladaasi kadibna kacdoono lagu kicinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -