Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho dad u badan Caruur lagu laayay oo ka dhacday magaalladda Uvalde (Sawirro)

Nin dhallinyaro ah oo hubeesan ayaa weerar dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho ah ku qaaday Iskuul  caruurta wax lagu baro oo kuyaalla magaalladda Uvalde, ee gobolka Texas  ee dalka Mareykanka.

Booliiska gobolka Texas ayaa sheegay in ninka hubeesan uu xoog ku galay iskuulka Hoose ee Robb ee kuyaalla magaalada Uvalde, waxa uuna halkaasi ka bilaabay toogashada caruur iskuulkaasi wax lagu barayay.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay 19-caruur ah iyo labo qof oo waa weyn, waxaa sidoo kale jira khasaaro kale oo dhaawacyo ah, ninka hubeesan ayaana markii dambe isna waxaa toogtay ciidamada booliiska.

Ninka toogashada fuliyay oo lagu sheegay 18-sanno jir ayaa sidoo kale toogasho ku dilay ayeeyadiis, lamana oga ilaa hada sababta keentay toogashadan dhiiga badan ku daatay uu fuliyay ninka dhallinyarada ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan dadka badan lagu laayay, waxa uuna ugu baaqay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka  sida fudud lagu helo gudaha dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Mareykanka oo baadi goobaya nin toogasho ka geystay New York (Sawirro)

Caydiid Ali

Jabhada TPLF oo baaq u dirtay Shacabka Tigrey xilli duullaan culus ku socdo

Cabdi Cade

Wariye katirsanaa BBC-da oo shaqadiisa ku waayay Sawir Edeb daro ah uu baahiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---