Allbanaadir.com
NEWS

Abaal-marin la guddoonsiiyey nin la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Hay’adda Nabad-sugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.

Ninkaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Uudow Cabdi, waxaana uu watay qori Ak-47 ah iyo booshkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabad-sugida Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida Jubbaland Axmed Muuse Xersi ayaa sheegay in Aadan Uudow ay ku abaal-mariyeen lacag maadaama qorigii uu watay uu la soo fakaday, faahfaahina kama bixin qaabka ay ninkan ugu suuragashay inuu ka soo goosto Al-Shabaab.

Weli arrintan kama hadlin Al-Shabaab loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, balse Jubbland ay marar badan horay u soo bandhigtay Saraakiil iyo ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ImjONuWmkLU

Related posts

Madaxweyne Deni & wafdi la socday oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Lataliyihii hore ee Farmaajo oo loo magacaabay Guddoomiyaha Madasha Lome

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo goordhaw kusoo laabtay Muqdisho kaddib markii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---