Madaxweyne Deni & wafdi la socday oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah kusoo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa sababo amni awgeed uga baaqsaday inuu ka dego Dhuusamareeb, dayuuradii sidayna waxay ka dagtay magaalada Cadaado, halkaasoo ay ka raaceen gaadiidka ay ku tageen magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashooyinka ee dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu dambeeyey dowlad goboleedyada ee taga Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale halkaas ku sugan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -