Qabri qodaha Aqoonyahanka ah ee heesta Shahaadada Masterka !! (Daawo Sawirro)

Waxa uu heystaa Shahaadada Masterka, haddana wuxuu ka shaqeeyaa qubuuraha, Mahdi Ramadaan Shacbaan waa wiil dhallinyaro ah oo ay xaaladda adduun ku adkaatay, kaddib markii uu waayay meel uu kaga shaqeeyo cilmigii uu bartay. Waa Falastiini, Marqaatiga labaad ee jaamacadda ka heystaa Luqadda Carabiga.

“Dunidu waxay wax u dhistaa si ay u horumariso nolosheeda, annagana hadaanu nahay reer Gaza, nolosheennu waxay ku baaba’day dhulka korkiisa, waxaan qodeynaa dhulka hoostiisa si aan uga soo saaranno wixii aan cuni laheyn”, Ereyadan kooban ee xanuunka leh waxaa yiri Mahdi oo da’da labaatanaad ku jira , kaas oo ka shaqeeya qodista xabaallo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.

Mahdi oo dhashay 1993-kii, waxa uu la shaqeeyaa Aabihii iyo walaalkii ka yar oo la yiraahdo Maxamed, waxay si wadajir ah uga howl-galaan qabuuraha Al-Faluja ee xerada qaxootiga ee Jabalia, oo ah tan ugu dadka badan Marinka Gaza.

“Muddo shan sanno ah, waxaan ka shaqaynayaa xirfaddan, si aan aabbahay uga caawiyo inuu bixiyo baahiyaha qoyskeenna oo ka kooban toddobo ruux.” Ayuu yiri Mahdi.

Mahdi waxa uu ka qaataa halkii xabaal qiyaastii lix dollar, waxa uu yiri “afar cisho xabaal ma qodin, hal shilinna jeebkayga ma gelin”.
Qodista iyo diyaarinta xabaasha ayaa lagu qiyaasay ilaa $105, waxayna qiimo ahaan ugu baxdaa agabka wax lagu dhiso, in yar oo ka mid ah ayaa u harta dadka qodaya.

Waxa uu kala dhinac shaqeeyaa Aabihiis iyo walaalkiis ka yar, ma ahan mid uu ka xishoodo qabashadeeda, balse wuxuu ku taamayaa in mar uun uu fursad u helo howsha macallinimada oo uu xiiseynayo.

Mahdi ayaa intii uu ku guda jiray hawsha qodista qabuuraha waxa uu ku biiray Master-ka Jaamacadda Al-Aqsa ee magaalada Gaza, wuxuuna dhammaystay taqasuska Carabiga iyo Luuqadaha (linguistics), hase yeeshee jaamacaddu waxay ilaa iyo hadda ka joojisay shahaadadiisii tan iyo sannadkii hore, maadaama uu awoodi waayay bixinta lacag ku dhineyd, taas oo lagu qiyaasay $760.

“Waxaan naftayda u dareemaa sidii shimbir aan baalal lahayn, sababtoo ah ma awoodo inaan bixiyo kharashka waxbarashada oo aan helo shahaadadayda si aan u dhammeeyo dariiqa riyadeyda iyo abuurista nolol wanaagsan,” ayuu yiri Mahdi. Waxaase uu hamminayaa in uu dalbado deeqo waxbarasho si uu u helo shahaadada PhD-da.

Qoyska Mahdi waxay ku nool yihiin guri yar oo aan dhammeyn150 mitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla magaalada Beit Lahia (waqooyiga marinka Qaza), waxaana gurigan uu ku waxyeeloobay dagaalladii kala duwanaa ee dhexmaray Falastiin iyo Yahuudda.

Mahdi – oo ku sigtay in uu naftiisa ku waayo duqaymo ay Israa’iil ka geysatay qabuuraha Falluuja mid ka mid ah dagaalladii Qasa – waxa uu rumaysan yahay in dhabaha looga badbaadi karo dhibaatooyinka heysta ay tahay midnimo qaran iyo in meesha laga saaro gumeystaha.

W/T Mohamed Qadar Abdi
Khadarcade2018@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -