(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dagaalka Khartuum iyo xoogaga RSF oo War soo saaray

Dagaalo la isku habeensaday ayaa weli ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudan kuwaasoo dhexmaraya ciidamada milateriga iyo Xooggagga gurmadka degdega ah ee RSF.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen caasimadda Khartuum waxaana jira khasaare badan oo kala gaaray labada dhinac.

Video laga duubay garoonka diyaaradaha ayaa muujinaya diyaarad rayid ah oo halkaas ku gubanaysa. Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, Saudia ayaa sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda airbus ay shil ku gashay garoonka.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Shacabka ayaa guryahooda ku sugan, waxaana jira walaac weyn oo ku aaddan xaaladda caasimadda Khartuum.

“Rasaas ayaa weli dhacaysa, dadkuna guryahooda ayay ku sugan yihiin, cabsi xooggan ayaana jirta,” ayuu tiri goob jooge

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda, waxaana carruur badan ay ku go’doonsan yihiin iskuulladooda.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Khartuum, John Godfrey, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda, iyadoo diblomaasiyiinta reer galbeedka ay haatan qorsheynayaan iney ka baxaan magaalada

“Waxaan ku soo toosay dhawaqa rasaasta iyo dagaal. Waxaan hadda ku gabbanayaa meel ay joogaan shaqaalaha safaaradda, si la mid ah sida ay guryahooda ugu sugan yihiin shacabka Khartuum,” ayuu yiri safiirka oo ku baaqay in la joojiyo xabbada.

Ciidanka RSF ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas ay ka socoto xarunta warbaahinta dowladda, iyadoo dad goobjoog ah ay sheegeen in xooggaga gurmadka deg deg ah ay gacanta ku hayaan xaruntaas.

Taliyaha Xooggaga Jeneraal Maxamed Xamdaan Daqalo oo ku magac dheer Hemedti ayaa wacad ku maray in aanu dagaalka joojin doonin ilaa inta ay ka qabsanayaan saldhigyada ciidamada.

Waxa uu sheegay in Jenaraal Burhan uu yahay “dembiile” isla markaana la dili doono ama cadaallad la horgeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -