Nin ku Dhax Islaamay Xabsi kuyaala dalka Mareykanka oo Cirbad lagu dilay

Nin mudo 20-sano ah ku xirnaa Xabsi kuyaala gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa khamiistii shalay la dal dalay, waxaana xukunka dal dalaada ah ee ninkan lagu fuliyay la sheegay in la waafajiyay waqtigii horey loo qorsheeyay.

Dominique Ray oo u dhashay Mareykanka ayaa xukun dil ah lagu riday sanadkii  1999-kii,waxaana ninkan lagu helay dambi ah in  sannadkii 1995-kii uu kufsaday isla markaana dilay gabar 15 sano jir ahayd.

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dominique Ray uu diinta Islaamka qaatay intii uu xabsiga ku jiray, waxaana ninkan uu xabsiga gudihiisa ku qaatay casharo diinta Islaamka ku saabsan.

Maxbuuskan oo Cirbad lagu dilay ayaa kahor inta aan la dilin laga diiday codsi uu gudbiyay oo ahaa marka la dilayo in uu dhinac taagnaado Imaam Muslim ah oo lagu magacaabo Yuusuf Maisonet.

Maxkamada sare ee gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa ku gacan seertay codsiga Maxbuuska ee ku aadanaa in Imaam Muslim ah dhinac taagnaado marka la dal dalayo, waxaana go’aanka maxkamada lagu tilmaamay mid cadaalad daro ah.

Qareeno u doodayay Maxbuuskan Muslimka ahaa ayaa sheegay in Maxkamada ay cadaalad daro sameysay ayna maxaabiista kale ee Krishtaanka ah marka la dal dalayo loo ogolaado in dhinac taagnaadaan wadaadkooda halka kuwa muslimka loo diido.

Wadaadka Muslimka ah ee laga diiday in uu dhinac taagnaado Dominique Ray ayaa la sheegay xiliga la dal dalayay maxbuuska in uu ka daawanayay qol ku dhagan qolka lagu dal dalayay maxbuuska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -