Dal caan ah oo bilaabay inuu soo saaro Khamri loogu magac daray Somalia (Sawirro)

Khamri loogu magac daray Somalia ayaa lagu arkay suuqyada dalka Shiinaha kaasoo caadi looga iibinayo dadka isticmaala.

Khamrigan oo ay ku dul qoran tahay Somalia oo far waawayn ku qoran ayaa laga heli karaa super marketyada waaweyn ee dalkaas, iyadoo lagu dhejiyay sicirka ay joogto.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dalka Shiinaha ayaa baraha bulshada ku faafiyey muuqaalo ay ka soo qaadeen khamrigan oo yaalla goobaha ganacsiga.

Lama oga sababaha ay shirkadaha dalka shiinaha khamrigan ugu bixiyeen Somalia, iyadoo la og yahay in Soomaalidu yihiin dad muslim ah oo neceb khamriga.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka shiinaha oo ka carooday arrintan ayaa ku tilmaamay xad gudub iyo magac dil lagu sameynayo magaca dalkeena iyagoo ugu baaqay Dowlada federaalka iney dabagal ku sameyso, sharciga caaalamiga ah la tiigsato shirkadaha shiinaha ee soo saara khamrigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -