(Sawirro) Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay Frantz Celestin

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada KIsmaayo ku qaabilay Frantz celestin oo ah madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya.

Frantz celestin ayaa booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha dib u soo celinta qaxootiga, taageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo ka hor dalka ku dhufatay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah

Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyey Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM howlaha kala duwan ee ay wado Soomaaliya, isagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.

Frantz celestin oo ah madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya ayaa dhankiisa warbixin ka siiyey Axmed Madoobe howlaha ay ka wadaan Somalia.

- Advertisement -