Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya iyo FAO oo kala saxiixday heshiis xog la isku dhaafsanayo

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday Heshiis ku saabsan is-weydaarsiga xogta si loo horumariyo nidaamyada Illaalinta Bulshada ee Diwaanka Midaysan ee Bulshada (USR).

Heshiiskan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, iyo Madaxa Hey’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Hashiiska ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO. ayaa xaqiijinaya hufnaanta, iyo isku xirnaanta barnaamijyada illaalinta bulshada iyo gargaarka, sidoo kale wax-ku-oolnimo dheeraad ah oo loogu adeego bulshada nugul.

Waxaa sidoo kale la sheegay in heshiiskan uu ilaalin doono xaqiijinta xogta ka faa’idaystayaasha oo si ammaan ah loo maareeyo, ka jawaabida baahiyaha dadka nugul xiliga ku haboon, iyo horumarinta habka gaarista ka faa’idaystayaasha.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Biden oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dalab culus oo ka yimid Ukraine

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Rooble laga hor joogsaday safar dibeda ah?

Caydiid Ali

Trump oo dagaal ganacsi ku qaaday Canada Mexico & China

Caydiid Ali
Taboola Ads ---