Waa cusub oo u billowday Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Turkey iyo Mareykanka ay gelayaan “waa cusub” oo xiriirkooda ah, kadib markii xiriirka xulufadan NATO uu sanadihii dhowaa u xumaaday arrimo dhowr ah.

Isaga oo ka hadlayey kulanka Golaha Wasiirada ayaa Erdogan si kastaba, waxa uu ugu baaqay Mareykanka inay xushmeeyaan xuquuqda madax-banaani ee Turkey – ayada oo ay u muuqata inuu ula jeedo go’aanka ay kusoo iibsatay gantaallada Ruushka.

Erdogan ayaa hadalkan jeediyey maalmo kadib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee weji-ka-weji ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden tan iyo markii uu xafiiska yimid. Labada nin, oo muddo isgaranayey, ayaa ku doc kulmay shir madaxeedkii NATO ee Brussels.

“Waxaan aaminsannahay inaan xallin doonno arrimaha dhibaatada leh ee inoo dhaxeeya, ayada oo lagu saleynayo filashooyinka iyo dareenada labada dhinac,” ayuu yiri Erdogan. “Waxaan isku racanay inaysan jirin arrimo aynan ka gudbi karin, islamarkaana arrimaha aan iska kaashan karno ay ballaaran yihiin oo ay faa’iido badan yihiin.”

Erdogan ayaa wada-hadalladii uu la yeeshay Biden ku qeexay kuwa dhameystiran oo miro-dhal ah, wuxuuna sheegay in labadooda ay isku raaceen inay mar kale kulmaan.

“Waxaan aaminsanahay inaan albaabada u furnay waa cusub oo ku saleysan niyad wanaag iyo wax dhis,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Erdogan ayaa yiri “Dalabka kaliya ee Turkey waa in la ixtiraamaa xuquuqdeeda madax-banaani ee dhaqaale, lagana taageeraa halganka ay kula jirto ururada argagixisada ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda xuduudaheeda.”

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -