Talaalkii ugu horeeyey ee looga hortagayo cudurka HIV/AIDS oo la soo saaray

Shirkadda Mordana ayaa soo saartay talaalkii ugu horeeyey ee looga hortagayo cudurka Aids-ka kaasoo ay tijaabadiisa ka socoto wadamo ku yaala qaarada Afrika.

Arintan ayaa hadii ay dhab noqoto war farxad leh u noqon doonto malaayin qof oo kunool dunida qeybaheeda kal duduwan.

Bilowgii sanadkan, shirkada Moderna ayaa gudaha Mareykanka ka bilawday tijaabadii ugu horeysay ee tallaalkeeda HIV-ga taasi oo ay u adeegsatay qayb ka mid ah taxanaha HIV RNA.

Tijaabada Mareykanka ka dhacday, waxaa la go’aamiyay inuu tallaalka badbaado yahay oo uu kor u qaaday difaaca 97 boqolkiiba gaar ahaan tijaabada lagu sameeyay (dadka waaweyn ee caafimaadka qaba ), ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadan.

Shirkadda ayaa sheegtay in tijaabada hadda laga bilaabay Afrika ay noqon doonto mid qof walbo u furan oo aan kala sooc lahayn, taasoo macnaheedu yahay in dhammaan ka qayb galayaashu ay heli doonaan tallaalka.

Talaalka ka dib waxaa lala socon doonaa muddo lix bilood ah si loo ogaado in talaalku yahay mid bad qaba, halka ka jawaab celinta difaacooda si weyn loola socon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -